Xisbiga haya talada dalka Itoobiya ee Prosperity ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Axmad ayaa ku guuleystay tiradii ugu badneyd ee kursaasta baarlamaanka dalkaasI.
Waxaa sidatan gelinkii dambe ee shalay shaaca ka qaaday guddiga doorashooyinka ee wadankaasi.
Guddiga ayaa ku dhawaaqay in xisbiga talada haya uu helay 410 kursi oo ka mid ah 436 lagu tartamay baarlamaanka federaalka.
Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmad ayaa codeytan ku tilmaamay mid taarikhi ah.
Waxaa codeyntan qaadacay mucaaradka wadankaasi.