Ciidamada ilaalada badaha ee dalka Malaysia ayaa gacanta ku dhigay 16 qof oo kallumeysato ah oo u dhashay wadanka Vietnam.
Shakhsiyaadkan oo isticmaalayay labo doomood ayaa lagu eedeyay inay ku xadgudbeen biyaha Malaysia iyagoo aan wax oggolaansho ah haysan.
Wakaaladda wararka ee Bernama oo soo xigatay maamulka maareynta badaha ee (MMEA) ayaa ku warramaysa in kallumeysatada laga soo qabtay xeebaha gobolka Terengganu.
Agaasimaha maamulkan Maxamad Suffi Maxamad Ramli ayaa sheegay in dadka la qabtay ay da’doodu u dhexeyso 18 ilaa 62 sano.