DHAGEYSO:Booliska oo faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxii Muqdisho

0
581

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashanle Saadaq Aaden Cali (Doodishe), ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen sagaal kalana ay ku dhaawacmeen qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Gaashaanle Saadaq Aaden Cali (Doodishe) ayaa sheegay in weerrarkaasi uu khaasaraha ugu badan gaarsiiyay dadka rayidka ah iyo mehradihii ku yaallay aagga uu qaraxa ka dhacay, isagoo intaas ku daray in hal askari oo boolis ah uu soo gaaray dhaawac fudud.
Weerrarkan ayuu afhayeenka ku sheegay in lagu bartilmaameedsaday kolonyo sidday taliyaha booliska gobolka Banaadir kaas oo qaraxaasi ka badbaaday taliye Farxaan Qaroole