DEGDEG:Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0
371

Waxaa jugta qarax xooggan ayaa daqiiqo kahor ka dhacay meel u dhow Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Villa Baydhabo.
Waxaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.
Qaraxaas oo ahaa mid weyn ayaa la sheegay inuu loo adeegsaday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, islamarkaana u qarxay xilli uu marayay wadada aada dhinaca Villa Baydhabo oo ay ku taallo xarun ay leeyihiin ciidanka Haramcad.
Khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay qaraxaas.
Waxaana aaga uu qaraxu ka dhacay isku gadaamay oo xiray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka.
Ilaa iyo hadda si rasmi ah looga oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisbo oo warar hordhaca ah ay sheegayaan in lagu weerarray taliyaha ciidanka booliska Farxaan Maxamuud Qaroole.