Khasaaraha ka dhashay dabkii saameeyay warshadda cabbitaanka ee Bangladesh oo kordhay

0
353

Waxaa sare u sii kacay khasaaraha nafeed ee ka dhashay dabkii ka kacay warshad soo saarta cabbitaanada oo ku taalla dalka Bangladesh
Ugu yaraan 52 qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dhacdadaasi.
Maamullada qaabilsan gurmadka ee Bangladesh ayaa dabka ku tilmaamay mid xooggan.
Warshadda ayaa ku taalla magaalada Rupganj oo 25 kiilomitir dhanka bari kaga beegan caasimadda dalkaasi ee Dhaka.
30 qof oo dheeraad ah ayay dhaawacyo soo gaareen.
Wararka ayaa intaa ku daraya in qaar ka mid ah shaqaalihii warshaddaasi ay weli goobta ku xanniban yihiin .
Dabka ayaa ku badan Bangladesh waxaana loo aaneeya habacsanaan la xiriirta dhaqangelinta amarrada badqabka.
Bishii labaad ee sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii 70 qof ay ku dhinteen dab saameeyay guryo badan oo ku yaallay magaalada Dhaka .