Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta gaaray ismaamulka Makueni ee gobolka bari.
Waxaa uu kormeer ku sameynayaa dhismaha biyo xireenka Thwake.
Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa sheegtay in mashruucan uu kaalin wayn ka qaadan doono xallinta caqabadaha dhanka biyaha ee ismaamulkaasi.
Waxaa uu sido kale madaxweynaha tagi doonaa ismaamulka Machakos si uu indhaindhayn ugu sameeyo mashruuca Konza City.
Hasa ahaate afhayeenka State House Kanze Dena Mararo ayaa shacabka ku boorrisay in ay kala saaraan mashaariicda horumarineed ee dowladda dhexe iyo ismaamullada si heer kasta lagula xisaabtamo waxqabadkiisa.