Waxaa dalka maanta la soo gaarsiiyay 182,400 oo ah daawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19 gaar ahaan nooca loo yaqaano AstraZeneca-Oxford.
Tallaalkan waxaa Kenya ugu deeqday dowladda Faransiiska.
Wararka ayaa intaa ku daraya in lagu wareejiyay shirkadda daawooyinka ee COVAX ka hor inta aan la soo marsiin hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF.
Daawooyinka tallaalka waxaa gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA magaaladatani Nairobi kula wareegay saraakiil sare sare oo ka tirsan dowladda dhexe oo uu hor kacaya guddoomiyaha guddiga qaabilsan qaybinta tallaalka cudurka COVID19 Dr. Willis Akhwale.
Dr.Akhwale ayaa bayaan ku sheegay in deeqdan la helay xilli aad loogu baahi qabo oo la siin doono saraakiisha caafimaadka , macallimiinta iyo howlwadeenada kale ee bulshada u fidiyo adeegyada muhiimka ah.
Mas’uulkan ayaa sheegay in dowladda Kenya ay aad ugu mahadcelinayso Faransiiska oo daawooyinkan soo gaarsiiyay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda in ka badan 1.5 milyan oo qof laga tallaalay caabuqa corona.