Magaala madaxda dalka Norway ee Oslo iyo sagaal degmo oo deris la ah ayaa laguu soo rogay xayiraado ka dib ka dillaacida nooca cusub ee cudurka corona, kaas oo markii ugu horreysay laga diwaangaliyaay dalka Ingriiska.
Sida ay dowladda halkaasi ku dhawaaqday goobaha ay dukaamada ka midka yihiin ayaa la xiraya waxaana dib loo fuuri doona 1-da bisha soo socota ee Febraayo.
Dukaamada cuntada lagu iibiyo. farmasiiyada iyo xarumaha shidaalka ayaa sii furnaan doonaan .
Hawlaha isboorti ayaana la joojiyaay iyadoona sido kale iskuullada lagu amray in kala foogaanta ay waxbarashada ku socoto,halka qoysaska laga codsaday inaysan guryaha isku booqan
Wasiirka wasaaradda cafimaadka ee dalkas Bent Hoeie oo shir jara’id qabtay ayaa rajo ka muujiyay ka guuleysiga cudurka.
Sida ku xusan xogta Machadka caafimaadka bulshada ee Norwey ayaa ilaa iyo hada laga diwaangaliyaay 55 kiis.