Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i iyo taliyaha guud ee booliska Mr. Hillary Mutyambai ayaa gaaray degmada Rioma ee ismaamulka Kisii.
Waxay dadweynaha halkaasi ku nool ugu baaqeen in ay ku dadalaan nabadgalyada iyo wadajirka.
Shacabka ayay ka codsadeen in ay si dhow ula shaqeyaan ciidamada ammaanka oo ayna u soo gudbiyaan xogaha ka hor tag u noqon karo falal dambiyeedyada.
Barasaabka ismaamulka Kisii James Ongwae ayaa dhankiisa cambaareeyay fal toddobaadkii hore lagu dilay saddex qof.