Agaasinka waaxda dambi baarista ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigay eedeysane dil loo heysto oo lagu magacaabo Nicholas Luka.
Eedeysanaha ayaa 13-kii bishaan dil u geystay shakhsi ay saxiibo ahaayeen oo magaciisu lagu sheegay Simon Mwangangi.
Sida laga soo xigatay warbixin ay booliska soo saareen ayaa lagu sheegay in tuhmanaha lagu martigaliyay guriga uu dilka ka geystay.
Falkan ayaa laga soo taabiyay ismaamulka Kitui
Dambi baariyaasha arrinkan loo xilsaaray ayaa caddeeyay in tuhmanaha iyo ninka martida loo ahaa ay ku murmeen lacag dhan 4 kun oo shilinka dalka ah.
Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in muranka uu isku beddelay dagaal taas oo sababtay in tuhmaha uu saxiibkiis cunaha kaga jaro bangad.
Sida warbixinta lagu sheegay, tuhmanaha ayaa saaxiibkiis oo dhiig baxaya meydkiisa ku tuuray binaanka islamarkaana gubay.
Shalay ayey ahayd markii ninka la dilay walaalkiis uu tagay goobta falka ka dhacay islamarkaana u arkay madax bini’aadam oo la gubay islamarkaana lafo iyo dambas noqday.