Maxakmadda sare oo diiday codsi uga yimid barasaabka ismaamulka Migori

0
442

Maxkamada sare ee dalka ayaa diiday codsi uga yimid gudoomiyaha ismaamulka Migori Okoth Obado kaas oo ahaa in dib loo dhigo dhagaysiga dacwad lagu eedeeyay ee ka dhanka ah in uu gacan ka gaystay dilkii loo gaystay gabadh uur lahayd oo dhiganaysay jaamacad taas oo lagu magacaabi jiray Ms Sharon Otieno.
Mr Obado ayaa sheegay in uusan u safri karin magaalada Nairobi halkaas oo lagu maxkamadeynayo sababo la xiriira xayiraada Covid-19 ee la saaray gobolka Nyanza.
Waxaa uuna maxkmadda ka codsaday in dacwadiisa oo bilaaban doonto usbuuca dambe dib loo dhigo ilaa muddo bil ah.
Garsoore Cecilia Githua ayaa amartay in agaasimaha dacwad soo oodida ee dalka uu soo bandhigo markhaatiyaasha la xariirta kiisaka loo heysto barasaabka ismaamulka Migori iyo eedeysanayaal kale.
Waxaa la xadidi doona tirada ka soo qeybgalayaasha ah dacwadda maadaama uu dalka ku guda jiro musiibada Corona Virus.
Mr Obado ayaa la eedeysan Michael Oyamo (kaaliyihiisa gaarka ahaa) iyo Caspal Obiero oo ah karaani ka tirsanaa dowladda ismaamulka Migori.
Barasaabka Migori ayaa banaanka ku jooga 5 milyan oo shillinka halka eedeysanayasha kalena ay midkiba ku joogaan banaanka min hal miyan.