Waxaa maanta Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan kulan ku yeeshay wasiirka amniga maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre iyo saraaskiisha hay’adda amniga Hirshabelle.
Kulankaan ayaa looga hadlayay arrimaha amniga iyo xasilinta Magaalada, waxaana warbixino looga dhageystay saraakiisha ciidanka ee ka howlgala gobolka Hiiraan.
Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray shaqaaqadii ka dhacday magaalada Beledweyne iyo sidii looga gudbi lahaa xiisada ka jirtay magaaladani.
Kulanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalin ka hor uu dagaal ku dhexmaray magaalada Beledweyne ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaadka Janeraal Xuud uu hoggaamiyo, kuwaas oo ka soo horjeedo hoggaamiyeyaasha Maamulka Hir-Shabeelle.