Wararka naga soo gaaraya dalka Thailand ayaa sheegaya in hal qof uu dhintay ka dib markii goob warshad ah uu ka dhacay qarax xooggan.
Wararka ayaa intaa ku daraya in sidoo kale uu dab ka kacay warshadda oo ku taalla duleedka caasimadda wadankaasi ee Bangkok.
Waxay dhaawacyo kala duwan soo gaareen 29 qof oo dheeraad ah.
Warshaddan ayaa soo saarto waxyaabaha balaastigga ama caagagga ah.
Maamullada qaabilsan maareynta musiibooyinka ee Thailand ayaa laga soo xigtay inay burbureen 70 guri halka dabka lala tacaalayay 10 saacadood ka dib markii qaraxu uu dhacay.