Kenya Airways oo hakisay duulimaadyadeeda wadamada Faransiiska iyo Netherlands

0
917

Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa joojisay duulimaadyadeedii ay ku tagi jirtay dalalka Faransiiska iyo Netherlands sababo la xiriira xeerarka cusub ee ‘Covid-19’ ee qaaradda.
Shirkadda ayaa sheegtay in hakinta duulimaadyadaas ay kaliya saameyn ku yeelan doonto qorshooyinka safarka bisha Labaad ee sanadkan.
Kenya Airways ayaa la rajaynaya inay dib u bilowdo adeegyadeedii duulimaadyadeeda caadiga ahaa ee Faransiiska saddexda bisha Saddexaad iyo Netherlands oo 7 isla bishaasi .
Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa dib u bilowday duulimaadyadii caalamiga ahaa bishii Sideedaad ee sanadki hore ka dib lix bilood oo hakad la galiyay duulimaadyada hawada aduunka oo dhan faafitaanka cudurka CoronaVirus aawgii.
Waxaa ay dhinaca kale sheegtay in macaamiisha horay u ballansaday inay u duulaan Faransiiska iyo Netherlands ay heli doonaan xulashooyin kale oo duulimaad ah.