Wasiirka arrimaha gudaha oo guddoomiyay shir ku saabsan amniga doorashooyinka

0
396

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiinta ammaanka ee ismaamullada.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda dhexe ay dejisay qorsho lagu sugaya amniga xilliga doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Dr. Matiang’i ayaa xusay in marnaba aan la oggolaan doonin in ay dhacaan falalka rabshadaha ee lagu boobo hantida daweynaha.
Wasiirka ayaa ciidamada booliska ku amray in ay xabsiga u taxabaan siyaasiyiinta jeediya hadallada keeni karo kicin dadweyne.
Saraakiisha ayuu ku boorriyay in aynan u nuglaan cabsigelin kasta oo soo foodsaarto.
Waxaa uu madaxda kala duwan ka codsaday in ay u turaan dalka iyo dadka Kenyaanka ah.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku sheegtay in kalsoonida shacabka ay ku qabaan adeegyada booliska ay gaartay boqolkiiba 63 halka sanadkii 2009-kii ay ahayd 29 boqolkiiba.
Darasaad la sameeyay sanadkan ayay boqolkiiba 54 ee dadka la wareystay ku sheegeen in aan wax laaluush ah laga dalban xilli ay codsadeen adeegyada amniga.
Boqolkiiba 25 waxay sheegeen inay dareemayaan in kiisaskooda sida habboon loo xalliyay halka boqolkiiba 13 ee dadka ka qayb qaatay darasaaska ay ciidamada booliska ku ammaaneen xushmad iyo wanaag dhanka shaqada ah.