Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha garsoorka dowlad goboleedka soomaaliyeed ee Galmudug Cabdi Maxamuud Fiidoow oo maanta Baarlamaanka maamulkaas horgeeyay Sharciga dhismaha Adeegga Garsoorka Galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyay.
Sidoo kale baarlamaanka ayaa kal fadhiga maanta ku ansaxiyay sharciga nidaaminta iyo naqshadeynta magaalooyinka oo ay horay u soo gudbisay wasaaradda howlaha guud ,dib u dhiska iyo guryeynta Galmudug waxaana ka hadlay oo shirka maanta soo xiray guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamad Nuur Gacal.