277 qof oo laga helay cudurka COVID19

0
460

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta shaacisay in 277 qof oo dheeraad ah uu gudaha Kenya ku haleelay cudurka COVID19 ka dib markii 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay cudur sidaha corona laga baaray dheecaan dhan 3,796 .
Tirada guud ee kiisaska cudurka ayaa hadda ah 185,868 .
Xaaladaha cusub ayaa laga kala xaqiijiyay ismaamullada Nairobi 64, Mombasa 31, Nandi 27, Siaya 22, Nakuru 21, Busia 17, Uasin Gishu 16, Homa Bay 10, Kericho 9, Kisumu 9, Bungoma 7, Narok 7, Embu 6, Kilifi 5, Migori 5, Kakamega 4, Lamu 4, Kiambu 4, Meru 2, Bomet 2, Taita Taveta 2, Kisii 1, Kitui 1 iyo Murang’a 1.
4 bukaan ayaa u geeriyooday COVID19 waxayna dhimashada guud tahay 3,675.
Sidoo kale waxaa xanuunka ka caafimaaday 669 bukaan oo
hor leh tani oo bogsashada guud ka dhigaysa 127,625.
Waxaa COVID19 qabo oo isbitaallada kala duwan ee dalka ku jiro 1,126 bukaan halka 5,834 lagu daryeelaya guryaha.
Wasaaradda caafimaadka ee Kenya ayaa sheegtay in bukaanada ay xaaladooda liidato ee lagu daaweynaya qaybta daryeelka degdegga ee ICU-da ay yihiin 115.
Dhanka kale ilaa iyo maanta waxaa guud ahaan dalka cudurka COVID19 looga tallaalay 1,473,869 oo qof.