Dowladda oo loogu baaqay inay adkeyso amniga Elgeyo Marakwet

0
351

Hoggaamiyaasha siyaasadeed iyo shacabka ismaamulka Elgeyo Marakwet ayaa dowladda dhexe ka codsaday in ay adkeyso amniga aagga Kerio Valley ka dib markii koox burcad ah ay halkaasi ku dishay 5 qof.
Dilalkan oo isxigxigay ayaa la gaystay hal toddobaad gudihii waxaana laga cabsi qabaa in ay saameyn ku yeeshaan heshiis nabadeed oo horseeday xasilooni jirtay labo sano.
Wakiilka haweenka ee Elgeyo Marakwet Jane Chebaibai ayaa laamaha ammaanka ku eedeysay in ay muddo badan ku qaadato ka falcelinta weerarrada burcadda.
Waxay carrabka ku dhufatay in ay lagama maarmaan tahay in laga hor tago falalka lagu dhibaateeyo dadweynaha sidoo kalena dhaca loogu gaysto hantidooda.
Mudanaha bariga Marakwet Kaangogo Bowen ayaa dhankiisa ka digay in eedeyn aan loo fiirsan loo jeediyay dhammaan saraakiisha ammanka maadaama ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo.
Xildhibaanka deegaanka Sigor ee ismaamulka galbeedka Pokot Peter Lochakapong ayaa dhankiisa su’aal geliyay sababta burcadda aan ilaa iyo hadda loo soo xirin in kastoo la aqoonsaday.