Ciidamada ammaanka ee magaalada Boston dalka Maraykanka ayaa xabsiga dhigay 11 qof.
Dadkan ayaa la sheegay inay yihiin maleeshiyo aad u hubeysan.
Warbaahinta dalkaasi ayaa kooxdan ku tilmaantay mid aan aqoonsanayn xeerarka Maraykanka balse ku doodaysa inaysan wax dhibaato ah gaysan.
Laamaha amaanka ayaan weli faahfaahin dheeraad ah ka bixin howlgalka ay sameyeen.