Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Justin Muturi ayaa shaaca ka qaaday inuu u loolamayo xilka madaxtinimada ee dalka islamarkaana u ka qayb galayo doorashada guudo ee sanadka 2022-ka.
Mr. Muturi oo dhawaan loo caleemo saaray afhayeenka gobolka bartamaha wadanka ayaa si rasmi ah u shaacin xisbiga uu adeegsan doono doorashada soo socota.
Waxaa u uxusay inuu haysto khibrad maamul oo ku filan, hoggaanka dalkana u tahay mid fudud oo u kasoo bixi karo.
Xilli uu hoggaamiyaasha diimaha kula hadlay gurigiisa koonfurta Mbeere ee Ismaamulka Embu ayuu Muturi muujiyay kalsooni ah inuu ku guulaysan karo doorashada sanadka dambe.
Waxaa uu ugu yeeray hoggamiyaasha diimaha inay u duceeyaan si uu maamulka ula wareego ka dib marka mudda xileedka madaxweyne dalka Uhuru Kenyatta uu dhammaado
Waxaa u xusay inuu aadi doono qayb walba oo ka mid ah dalka, si uu u hanto kalsoonida shacabka.
Hoggamiyasha kaniisada ayaa taageera u muujiyay Mr.Muturi, waxayna ugu yeereen inuusan ka niyad jabin hamigiisa xilka madaxtinimada.
Waxaa ay sidoo kale ugu yeereen bulshada gobolka bartmaha dalka inay taageeran, maadama uu yahay hoggaamiya wanaagsan oo dalka u horseedi karo horumar waaro.