Maalqabeen caan ah oo ku geeriyooday Nairobi

0
816

Naushad Merali oo ahaa ganacsade iyo aasaasihii Sameer Group, ayaa ku dhintay magaaladatan Nairobi.
Waxaa da’adiisu ahayd 70 sano jir ah, sida ay qoyskiisa sheegeen.
Bilyaneerka warshadaha leh ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah la aaso sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay qoyskiisa.
Waxaa loo ogolyahay in aaskiisa ay ka qeyb galeen qoyskiisa oo kaliya ah sababo la xariirra xakameynta cudurka COVID 19.
Waxaa intaas lagu daray in dadka caawiyaha u ah qoyska ay ka qeyb gali karaan aaska maalqabeenka.
Si kastaba ahaate lama shaacin xanuunka uu u geeriyooday Naushad Merali.