DHAGEYSO:Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo si rasmi ah dib loo furay

0
616

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah dib ugu furtay safaaradeedii dalka Kenya kaddib muddo lix bilod ah oo ay u xirnayd khilaafkii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyay dowladda Kenya.
Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmad Nuur Tarsan oo sheegay in safaaraddu ay dib u bilowday adeegyadii ay bulshada u haysay ayaa sidoo kale sheegay wadamada Soomaaliya iyo Kenya ay yihiin laba waddan oo uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo aanan si fudud u kala go’i karin.
Sidoo kale Amb, Tarsan waxaa uu sheegay in safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya si rasmi loo furay, hayeeshee Maalinta Isniinta ah ee todobaadkaan ay shaqa bilaabi doonto, waxaana Soomaalida ugu baaqay in ay adeegyada ay u baahan yihiin kasoo doonan karaan Xarunta Safaaradda.