Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa si kulul u cambaareeyay qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay goob maqaaxi ah oo ay ku shaaheynayeen dad rayid ah, kaasi oo ka dhashay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
”Waxaan cambaareynayaa qaraxii Al-Shabaab ka geysteen Muqdisho oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Inta dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo
Dowladda Somalia ayaa sheegtay in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen halka tobaneeyo kalena ay ku dhawacmeen