Daraasaad lagu ogaaday in boqolkiiba 19 ee shacabka ay u codeynayaan BBI

0
435

Cilmi baaris ay sameysay shirkadda daraasaadka ee TIFA ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 19 ee codbixiyayaasha dalka ay diyaar u yihiin in ay codkooda ku taageeraan qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Waxaa arrinkan ka soo horjeeda boqolkiiba 31 ee dadweynaha halka boqolkiiba 18 ay sheegeen in aynan ka qayb qaadan doonin aftida xeerarka wadanka lagu beddelaya.
Sidoo kale boqolkiiba 25 ayaa tilmaamay in aynan weli go’aansan inay codeynayaan iyo in kale halka 7 aynan wax aragti ah arrinkan ka dhiiban.
TIFA ayaa sheegtay inay darasaadkan sameysay bishii 12-aad ee sanadkii hore.
Boqolkiiba 29 ee dadka la wareystay waxay carrabaabeen inay ka qayb qaadanayaan aftida hadii la qabto.
In ka badan afar meelood hal meel dadka diyaar u ah inay ka qayb qaataan codeynta waxay ku saleyeen soo jeedinta ah in dhaqaalaha ay dowladda dhexe u qoondeyso ismaamullada oo hadda ah boqolkiiba 15 laga dhigo 35.
Sidoo kale waxay la dhacsan yihiin in la billaabo sanduuqa horumarinta deegaanada hoose iyo in 70 deegaan baarlamaneed la soo kordhiyo.
Boqolkiiba 10 dadka sheegay inay maya ku codeynayaan waxay ka soo horjeedaan lacagaha loo kordhinaya ismaamullada halka boqolkiiba 8 aynan ku qanacsanayn in dowladda dhexe ay kheyraadka dadweynaha u adeegsanayso inay dadka uga dhaadhiciso hindise sharciyeedka BBI.
Boqolkiiba 8 waxay ka soo horjeedaan in wadanka uu yeesho ra’iisul wasaare iyo labo ku xigeen.
Marka la eego xisbiyada boqolkiiba 59 oo ka mid ah taageerayaasha ODM ayaa taageersan BBI halka 13 boqolkiiba ay ka soo horjeedaan.
Marka la eego Jubilee tiradan ayaa ah boqolkiiba 25 halka 31 boqolkiiba ay maya ku codeynayaan..
11 boqolkiiba oo ka mid ah taageerayaasha Jubilee ayaan weli go’aan ka qaadan halka 16 boqolkiiba aynan codey doonin.
Marka la eego Xisbiga UDA ee lala xiriirinayo ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto 57 oo ka mid ah taageerayaashiisa aysan ka qayb qaadan doonin.