ISIS oo sheegatay mas’uuliyadda weeraradii Baghdaad

0
678

Kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS ayaa sheegtay in 2 ka mid ah dagaalyahanadeeda ay ka dambeeyeen weerarro shalay ka dhacay caasimadda dalka Ciraaq ee Baghdaad.
Waxaa halkaas lagu dilay ugu yaraan 32 qof halka in ka badan 110 kalena la dhaawacay.
Weerraradan ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu saameynta badnaa ee saddexdii sano ee ugu dambeeyay ka dhacay magaala madaxda Ciraaq.
Bishii koowaad ee sanadkii 2018-kii ayay ahayd markii labo qarax oo laga gaystay isla goobta shalay la weeraray ee Tayaran lagu dilay 35 qof halka 90 kalena la dhaawacay.