DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo Munaasabada Kowda Luulyo Awgeed Ubax dhigay Taalada SYL

0
375

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamusaya Xuska Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo ayaa Wuxuu ubax lagu Muujinayo gobanimada, midnimada iyo geesiyaashii naftooda u huray halgankii gobonnimo doonka dalka Soomaaliyeed uu dhigay Taallada SYL.
Madaxweynaha oo tilmaamay in Taallada SYL ay ka mid tahay xusuusaha halgankii dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga ayaa halkaas xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada iyo midnimada dalka Soomaaliy, iyagoo naf iyo maal ba u huray Gobanimada Gayiga Soomaaliyeed looga naaloonayo maanta.
Kaddib Ubax dhigga Taallada SYL, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u gudbay Tiyaatarka Qaranka oo ay ka socoto Munaasabad ballaaran oo lagu xusayo Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo, isaga halkaas khudbad ugu jeedinaya shacabka Soomaaliyeed.
Munaasabada lagu mamuusaayo xuska 1-da luulyo ayaa haatan si Toos ah waxay uga socota Xarunta Tiyaatarka Qaranka ee Magaalada Muqdisho.
Xafladaan waxaa ka qeybgalay Madaxwenaha Jamhuuriyadda Maxamed C/lahi Farmaajo,R/wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ,xubno ka socda labada gole ee baarlamaanka,gobolka Banaadir,ururada bulshada iyo marti sharaf kale.
Amaanka Munaasabada iyo aaga Tiyaatarka qaranka ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana Ciidamada amaanka lagu arkayaa dhamaan Wadooyinka Muhiimka ah ee soo gala ama ka baxa Tiyaatarka Qaranka.
Dhamaan Magaalooyinka waa weyn ee Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa Xalay lagu Qabtay Munaasabada Kowda Luulyo ee Xorowga Gobolada Koonfureed iyo israaca labada gobol.
Munaasabada lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka hadlay Madaxda Maamulka Galmudug.