NCIC oo doonaysa in la sameeyo maxkamado gaar u ah la tacaalidda naceybka

0
363

Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa soo jeediyay in la soo dhiso maxkamado gaar ah oo qaabilsan dhagaysiga dacwadaha la xiriira hadallada naceybka iyo isku dirka bulshada.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada looga hor tagayo in gudaha wadanka ay ka dhacaan rabshado ka hor iyo sidoo kale marka ay dhammaato doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Shalay ayay ahayd markii guddiga NCIC uu soo bandhigay qorsho lagu xoojinayo wadajirka bulshooyinka.