DHAGEYSO:Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Munaasabada 1 Luulyo

0
385

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filsih ) ayaa dhalinyarad kunool Caasimada xalay kala qeybgalay Munaasabad lagu Xusayay (1 luuliyo) oo ah Maalintii ay gumeestaha Talyaaniga ka xurooween Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Dalka iyo israacii Gobalada waqooyi iyo Koofurta.
Cumar Filish ayaa sheegay in 61 sano kadib xiligii Xoriyada iyo israacii gobolada Waqooyiga iyo Koonfurta dalka Soomalaiyeed loo baahan yahay midnimo iyo isku duubni dadka Soomaaliyeed dhexdooda ah.


Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay dhalinyarada kunool Caasimadda inay ka qeyb qaataan sugitaanka Ammaanka Magaalada Muqdisho si looga hortaggo qaraxyada iyo dilalka Muqdisho ka dhaca.
Wuxuu tilmaamay gudoomiye Cumar Finish in maalmihii lasoo dhaafay ay soo kordheen falal amni daro oo ay ka mid yihiin qaraxyada ka dhacaya goobaha ay dhalinyarada isku yimaadaan loona baahanyahay in laga taxadaro.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in aan la sugi karin Amniga haddii aysan ka qeyb qaadan dadka Shacabka ah ee kunool xaafaddaha magaalada Muqdisho, waxaana uu ku eedeeyay falalka Amni daro inay ka dambeeyaan gacmo shisheeye oo Qarsoon.


Ciidanka Ammaanka ayaa howlgallo ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho waxay kusoo qabtay Saacaddihii lasoo dhaafay kooxo burcad ah oo dhibaato ku hayay shacabka ka dib markii ciidanka booliska ay ku soo bandhigeen Xarunta Danbi baarista Booliska Soomaaliyeed.