Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in ay saameyn ka dhalatay adeegsiga xeer ku saabsan amniga kaasoo ay soo saartay dowladda Shiinaha ugu dambeyna laga dhaqan geliyay Hong Kong.
Waxay hay’addu warbixin ku xustay in xeerkan uu ka takhalusay tixgelintii xuquuqul insaanka.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo horay Hong Kong looga fuliyay howlgallo lagu bartilmaameedsaday cid kasta oo aan ku qanacsanayn xeerka.