DHAGEYSo:Rw Rooble oo magacaabay guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo

0
427

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo oo ka kooban afar xubnood oo heer Wasiir ka socda afarta Maamul Goboleed ee Puntland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaasoo safar ku tagaya Magaalada Garbahaarey halkaasi ka bilaabaya Dib u heshiisiinta Gobolka Gedo.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim macalimow ayaa Warbaahinta u aqriyay Guddiga uu Ra’isul wasaaruhu u Magacaabay Arrinta Gobolka Gedo.

Magacaabida guddigaan ayaa waxay ku soo aadaysaa ayadoo shirkii wadatashiga arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya ee Muqdisho Madaxda uga Socday ay Heshiis ka gaareen madaxdu sidoo kalena la Jihiiyay Xilliga Rasmiga ah ee ay doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Tan Madaxweynuhu dhaceyso,sida uu markale Warbaahinta la wadaagay Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa isku raacay in boqolkiiba konton 50% la dhimo khidmada laga qaadayo musharraxiinta haweenka ee u tartamaya labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Musharaxiinta Haweenka ee Aqalka Sare ayaa hadda laga qaadayaa toban kun oo doolar ($10, 000), halka kuwa Golaha Shacabka laga qaadayo shan kun oo doolar ($5,000).
Lacagta diiwaangelin musharax kasta oo u tartamaya Aqalka Sare ayaa markii hore ahayd labaatan kun oo doolar ($20,000), halka Golaha Shacabka ay ahayd toban kun oo doolar ($10, 000).
Dhimista lacagaha laga qaadayo haweenka u tartamaya xildhibaannada labada aqal ee Soomaaliya ayaa timid markii urrurada haweenka ay ka timid cabasho la xiriirta arrintaas.