Cidamadda Itoobiya oo lagu edeeyay bur’burin ay u gaysteen xarun ay lahayd Hayadda Unicef

0
446

Hayada qaramada madoobay u qaabilsan caruurta ee Unicef, ayaa ku eedaysay cidmadda dawladda faderaalka Itoobiya ee ku sugan gobalka Tigray in ay burburin iyo waxyeelo u gaysteen qalab ay lahayd hayadaasu.
Qoraalka hayadda Unicef, ayaa lagu sheegay in cidamadda dawladda Itoobiya ay gudaha u galeen xafiis ay hayadu ku lahayd magalada Makkale, ee casimadda gobalka Tigray ee waqooyiga dalkaasi Itoobiya ayna burburiyeen qalabki halkaasi yaalay.
Isaga oo warbaahinta la hadalayay Afhayeen u hadlay xoghayaha guud ee qaramada madoobay Stephane Dujarric, waxaa uu cambareeyay weeraradda loo gaysanayo hayaddaha gargaarka iyo shaqaalaha ka shaqeeya arimaha bina’adanimadda.
Dhinacyada ku dagaalmaya gobalka Tigray ayuu ku booriyay in ay ilaaliyaan dadka rayidka ah iyo hayadaha qaramada madoobay ee ka shaqeeya arimaha gar’gaarka.
Horaanti bishan warbixin ay soo saaratay hayadda Unicef, ayay kaga digtay macaluul iyo nafaqo daro is biirsaday oo ay wajahayaan tobanaan kun oo caruur ah oo ku nool gobalka Tigray halkaas oo iska horimaadyo ay ku dhex marayaan cidamadda dawladda iyo kuwa maamulka Tplf.
Tan iyo biloowgi bishi November ee sanadki hore gobalka Tigrayga ee wadanka Itoobiya waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya cidmadda dawlada dhexe ee dalkaasi iyo kuwa maamulki hore ee gobalkaasi oo fadhigiisu ahaa magalada makkale.
Qaramada madoobay waxay ka digtay dad gaaraya 350,000-kun oo wajahaya xalado macaluul oo daran kuwaas oo u baahan wax ka qabasho inkast oo dawlada dhex ee Itoobiya ay been abuur ku tilmaantay tiradaasi
Goor sii horaysay Dowladda Itoobiya ayaa gobolka waqooyi ee Tigray kaga dhawaaqday xabad joojin hal dhinaca ah.
Tani ayaa timid ka dib markii fallaagada ay dib ula waregeen gacan ku haynta magaalada caasimadda u ah gobalkaasi ee Makkale.