Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ee Shirka uga socdo Teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho ayaa qaabilay wakiillo ka socday haweenka Soomaaliyeed oo ay horkaceysay Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Xaniifa Xaabsade.
Ujeedada kulanka ayaa ahaa sidhii haweenka loo siin lahaa qoondadhooda oo ah 30% ee Goleyaasha Baarlamaanka labada Aqal.
Xubnaha Golahada wadatashiga oo ka kooban, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa Maalintii labaad uu shirka u socdaa, iyaga oo ka hadlayaan waxyaabaha ka hirgalay heshiiska doorashada iyo caqabadaha heysta.