Lamaane 3 bilood ay gacmahooda ku xidhnayd silsilad oo kala tagay isla maalinti la kala furay

0
1090

Maalintii Jacaylka, lamaane da ’yar oo reer Yukreeniyaan ah ayaa cinwaannada wararka caalamiga ah qabsaday ka dib markii ay gacmahooda isku xidheen muddo saddex bilood ah, taas oo ahayd dadaalkii ugu dambeeyay ee ay ku badbaadinayeen xidhiidhkooda. Waxay gacmahooda isku xirnaayeen seddex bilood, laakiin markii ay iska fureen silsilada ayay kala tageen.
Bishii Febraayo, Alexander Kudlay, oo ah 33 jir iibiya baabuurta, iyo Viktoria Pustovitova oo 29 jir ah kana shaqeeysa goobaha lagu qurxiyo dumarka ayaa adduunka ka yaabsaday markii ay iska duubeen muuqaal iyagoo silsilad ku wada xidhan.
Markii ay Silsiladda iksu xidhayeen ayaa waxaa goobta ku sugnaa wakiil ka socda diiwaanka qaranka, kaasoo sidoo kale ku daray shaabad silsiladda si loo hubiyo inaysan is khiyaamin.
Qorshuhu wuxuu ahaa in saddex bilood ay gacmahooda isku xidhnaadaan, taas oo macnaheedu tahay in wax kasta ay isla wadaagayaan xita musqusha iyo qubayska taas oo dad badan ay u moodayen inay suurtagali doonin, balse ay sameeyeen.
Balse arrinta la yaabka leh ayaa noqotay in 123 maalmood oo ay gacmahooda isku xirnaayeen ka dib ay kala tageen lamaanahan isla markii silsilada laga furay.
Waxaa ay sheegeen in intii ay isku xirnaayeen ay isku khilaafeen waxyaabo badan isla markaana ay yihiin dad aan isfahmi Karin.
Viktoria Pustovitova ayaa sheegtay in intii ay isku xidhnaayeen uu Alexander Kudlay u muujin qof xitaa uu u xiisay ama uu ku oran waayay ereyga ah “Waan kuu xiisay”.