Maxkamadda racfaanka oo billowday dhageysiga dacwado ku saabsan BBI

0
422

Waxaa maxkamadda racfaanka ee dalka ka socdo dhageysiga dacwado loo gudbiyay oo looga soo horjeedo go’aan ay 5 garsoorayaal ah ka qaateen qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Garsoorayaasha ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday geeddisocodkan oo ay sheegeen in aan lagu soo dhisin qaab waafaqsan xeerarka dalka.
Hasa ahaate amarkaasi ayaa waxaan ku qancin dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin xeer ilaaliyaha dalka Paul Kihara, xoghaynta sare ee BBI iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga waxayna dhammaantood geeyeen kiisas racfaan ah.
Toddobo garsoorayaal ah oo uu hoggaaminayo madaxa maxkamadda racfaanka ee dalka Daniel Musinga ayaa laga sugayaa in ay buriyaan ama ayidaan go’aankii ay maxkamadda sare ku laashay BBI.
Qareenada matalaya dhinacyada kala duwan ayaa ku doodaya in si aan sax ahayn dhinac la iskaga dhigay arrimaha BBI.
Waxay cuskanayaan in la helay in ka badan 3 milyan oo Kenyaan ah oo saxiixyadooda ku taageeray soo jeedinta lagu beddelayo qaar ka mid ah xeerarka wadanka.
Sidoo kale waxay sheegeen in arrinkan laga ansaxiyay in ka badan 40 ka mid ah golayaasha ismaamullada, baarlamaanka iyo aqalka sare.
Garyaqaanada u doodaya dowladda ayaa maxkamadda u sheegay in madaxweynaha wadanka uu xaq u leeyahay inuu billaabo ama qayb ka noqdo qorsho sharciga lagu beddelaya .
Waxay sheegeen in marka laga soo tago inuu xil qaran hayo uu xuquuq muwaadineed u leeyahay inuu ka qayb qaato doorasho ama afti dastuuri ah.