Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa 24-kii saac aynu soo dhaafnay diiwangalisay kiisas dhan 287 oo COVID 19 ah ka dib markii baaritaano lagu sameeyay dhecaan dhan 2,699.
Tan ayaa xaaladaha guud ka dhigaysa 182,884.
Cel celis ahaan heerarka caabuqa waxaa uu dalka maraya maanta 10.6 boqolkiba.
Waxaa ka soo kabsatay Corona Virus Kenya maanta 152 iyadoona ay saacadi u dambeeyay Covid 19 u dhinteen bukaan dhan 17.
Dhimashada guud ayaa maraysa 3,612 halka guud ahaan dadka viruska ka caafimaaday Kenya ay dhan yihiin 124,588.