Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Starehe ee ka tirsan Nairobi Charles Njagua Kanyi oo loo yaqaan ‘Jaguar’ ayaa qalliin lagu guuleystay looga sameeyay maanta jilibka.
Muuqaal Fiidiyow ah oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya in xildhibaan Jaguar lagu sameeyay qaliin isagoona lagu waday sariirta bukaanka.
Sida laga soo xigtay DK Kwenye Beat oo ah nin u qaabilsan dhanka muusikada ah horayna ay xildhibaanka heesaha iskula jiri jireen oo wax ka og xaalada mudanaha ayaa sheegay in Jaguar uu xanuun dhanka jilibka ah dareemayay tan iyp sanadkii 2019-kii.
Waxaa uuna sheegay inuu maray qaliin dhanka lugta midigta ah kaas oo lagu guulaystay.
Xildhibaanka Starehe Mr Jaguar ayaa lugta laga qalay jug ka soo gaartay sanadkii 2019-kii xilii ay ciidamada booliska iyo ganacsatada Starehe ay dhexmartay xurguf.
Ganacsatada ayaa xilikaas ku ganacsanayay agagaarka wadooyiinka iyadoona askarta aya doonayeen inay xoog kaga saaraan taas oo keentay isku dhac oo ay xildhibaankana waxyeelo ka soo gaartay.
Xildhibaanka ayaa dhawaan ku soo laabtay Kenya isagoona ka yimid dalka Hindiya waxaana lagula taliyay in lugta qaliin looga sameeyo.
Home Wararka Kenya Xildhibaanka deegaanka Starehe ee ismaamulka Nairobi Jaguar oo qaliin lagu sameeyay