Maamulka NMS oo isbuuca soo socdo xarigga ka jari doono 24 xarumo caafimaad ah

0
547

Waxaa la filayaa in maalmaha nagu soo aaddan si rasmi ah xarigga looga jaro 24 isbitaal oo uu dhisay maamulka NMS ee ay dowladda dhexe u xilsaartay maareynta qaar ka mid ah adeegyada bulshada ku nool caasimadda dalka.
Isbitaalladan oo ah kuwa heerarka labaad iyo saddexaad ayaa ku kala yaalla xaafadaha Uthiru, Kiamaiko, Ushirika iyo Soweto.
Agaasimaha adeegyada caafimaadka ee maamulka NMS Dr. Josephine Kibaru-Mbae ayaa warbaahinta u sheegtay in la soo gabagabeeyay dhismaha isbitaalladan.
NMS ayaa dhanka kale shaqaaleysiisay 600 oo ah kalkaaliyaal ka howlgeli doono xarumahan iyo kuwa kale ka dib marka uu si rasmi ah u furo madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Bishii hore ayay ahayd markii hoggaamiyaha dalka uu sheegay in bisha labaad ee sanadkan uu diyaar noqon doono mashruuc ay ku baxayso lacag dhan 2 bilyan oo shilin oo lagu kordhinaya sariiraha xarumaha caafimaadka ee xaafadaha isku raranta ah.