Waaxda dambi baarista dalka oo su’aalo weydiisay Kalonzo Musyoka

0
889

Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa maanta tagay xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalkani Kenya ee wadada Kiambu Road.
Kalonzo ayaa si iskii ah halkaasi u tagay inuu faahfaahin ka bixiyo eedeyn uga timid madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo ahayd inuu si sharci darro ah ku qaatay dhul ku yaalla degaanka Yatta ee ismaamulka Machakos.
Waxaa uu halkaas ku soo bandhigay dokumeentiyo muujinaya qaabkii uu dhulkaasi ku yeeshay.
Kalonzo Musyoka ayaa dhanka kale madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ugu baaqay inuu iska xaadiriyo xarunta dhexe ee DCI si uu u caddeeyo eedeymo loo jeediyay.