DHAGEYSO:Shacabka Wajeer oo loogu baaqay in ay nadaafadda ku dadalaan

0
527

Iyadoo waaxda saadaasha hawada ee dalka ay sheegtay in ismaamullo ay Wajeer ka mid tahay la rajeynayo in ay roobab culus ka da’aan ayaa waxaa bulshada dowlad deegaankaas ku nool lagu boorriyay inay nadaafadda ku dadalaan si ay uga badbaadaan dhibaatooyin dhanka caafimaadka ah.
Waxaa baaqan jeediyay Maxamad Saalax oo ah maareeyaha maamulka hoose ee magaalada Wajeer.
Mas’uulkan oo tilmaamay in ilaalinta nadaafadda ay mas’uuliyad wadareed tahay ayaa dhanka kale hoosta ka xarriiqay inay jiraan shakhsiyaad xilliga habeenkii wasaqda soo dhigo waddooyinka iyagoo adeegsanaya qaar ka mid ah gaadiidka.
Wadayaasha bajaajta ayuu ku wargeliyay inay wasaqda geeyaan meesha rasmiga ee loogu talagalay isagoo wacad ku maray in cidii aan sharcigan u hoggaansamin tallaabo adag laga qaadi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here