Ururka macallimiinta ee KNUT oo doortay xoghaye cusub

0
340

Collins Oyuu ayaa loo doortay xoghayaha guud ee ururka qaran ee macallimiinta dalka ee KNUT.
Waxaa uu jagadan kala wareegay Wilson Sossion oo maalin ka hor is casilay.
Mr Oyuu oo ahaa guddoomiyihii KNUT ayaa la doortay isagoo aanan xilkan lagula tartamin.
Waxaa uuna noqonayaa xoghayihii guud ee toddobaad ee ururka macallimiinta KNUT.
Sidoo kale jagadan ayuu sii hayn doonaa shanta sano ee soo socota.
Dhanka kale xoghiyihii hore ee ururkan Wilson Sossion ayaa xilkan hayay muddo ku dhow sideed sano.
Xoghayihii hore ee KNUT ayaa sheegay inuu diiradda saari doono arrimaha xeer dejinta.
Waxaa uu baarlamaanka si magacaabid ah ugu biiray sanadkii 2017-kii.