Madaxweynaha dalka Colombia Ivan Duque ayaa sheegay in diyaarad nooca qummaatiga u kacdo ee loo yaqaano Helikobtarka ee uu saarnaa la rasaaseeyay.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay ay gobolka Catatumbo ee dalkaasi.
Madaxweynaha ayaa ku sii jeeday magaalada Cucuta ee caasimadda gobolka Norte de Santander.
Waxaa sidoo kale diyaaradda sarnaa saraakiil oo ay ka mid yihiin wasiirka gaashaandhigga ee dalkaasi Diego Molano dhiggiisa arrimaha gudaha Daniel Palacios iyo guddoomiyaha gobolka Norte de Santander, Silvano Serrano.
Madaxweynaha Colombia ayaa wereerkan ku tilmamaay mid fuleynimo ah balse laga hortagay.
Waxaa uu shaqaalaha amniga amar ku siiyay in ay baaraan cidda ka dambeysay weerarka.
Waxaa uu ku celceliyaay in aysan ka khuusan doonin la dagaalanka ka dhanka ah ka ganacsiga daroogada, argagixisada iyo dambiyada abaabulan ee ka dhaca dalkaasi.
Dhanka kale afhayeenka madaxtooyada wadankaasi ayaa sheegay in qofna uusan wax ku noqon dhacdadan.