Waxaa maanta la filaya in ururka macalimiinta KNUT uu doorto saraakiil cusub.
Tan ayaa imaanaysa ka dib markii shalay xoghayaha guud ee ururka macallimiinta dalka ee KNUT Wilson Sossion uu si rasmi ah iskaga casilay xilkiisi.
Waxaa uu xilkan dhigay isaga oo aad u qiiraysan.
Maanta ayuu ururkan qorsheynaya inuu doorto hoggaamiyaal cusub
Mr Sossion ayaa sheegay inuu diiradda saari doono arrimaha xeer dejinta.
Sossion ayaa KNUT hoggaaminayay tan iyo sanadkii 2013-kii.
Waxaa uu baarlamaanka si magacaabid ah ugu biiray sanadkii 2017-kii.