Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in eedeysane la rumeysan yahay inuu weerar argagixiso qorsheynayay lagu toogtay ismaamulka Kwale ee gobolka xeebta.
Tani ayaa timid ka dib markii ciidamadu ay gaareen oo ayna howlgal ka fuliyeen goob uu ninkan iyo labo kale ay ku dhuumaaleysanayeen oo ku taalla aagga loo yaqaano Bombo.
Howlgalka ayaa ahaa mid ku saleysan xog sirdoon oo ay heleen saraakiisha dambi baarista oo lagu wargeliyay in ilaa 3 qof ay ku howlan yihiin qorsho la xiriira weerar.
Labada eedeysanayaal ee kale ayaa goobta ka baxsaday waxaana halkaasi laga soo helay qoriga nooca AK47, 763 xirmo oo rasaas ah , kombiyuutar , taleefoonada gacanta oo 9 ah iyo waxyaabo kale.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Kwale la geeyay ciidamo dheeraad ah si ay kaga hor tagaan fal kasta oo wax u dhimaya nabadgalyada.