IEBC: Xuduudda deegaanada lama jaangoyn karo ka hor doorashada guud

0
285

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC Wafula Chebukati ayaa sheegay in aynan suuragal ahayn in la kala saaro xuduudda deegaannada wadanka ka hor doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
IEBC ayaa shaacisay in ay qorsheysay in arrinkan la gabagabeeyo sanadka 2024-ka.
Tani ayaa su’aal gelinaysa sida ay macquul ku tahay in la dhaqangeliyo soo jeedinta BBI ee ah in wadanka lagu soo kordhiyo 70 deegaan baarlamaneed.
Chebukati ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu la kulmay guddiga aqalka sare u qaabilsan arrimaha sharciga iyo cadaaladda.
Shirka ayaa diiradda lagu saarayay sida uu guddigu ugu diyaar garoobay maareynta codeynta lagu wado in ay dalka ka dhacdo sanadka soo socdo.
Farqada 89-aad ee dastuurka Kenya waxaa ku qeexan in IEBC ay 8 ilaa 12 sano gudahood dib u eegis ugu sameyn karto deegaan doorashooyinka.
Sii hayaha xilka madaxa fulinta ee IEBC Marjan Xuseen ayaa sheegay in ay aad u adagtay in miisaaniyadda dhaqaale ee ay haystaan ku maareeyaan doorashada guud sidoo kalena dib u eegis dhanka xuduudda ah loo sameeyo.