Milatariga Soomaaliya iyo Shabaab oo Shabeelada Hoose ku dagaalamay

0
371

Wararka ayaa waxay sheegayaan inuu Dagaalka Culus Ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ku dhexmaray degaanka Biya-cadde oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dagaalkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada dowladda & AMISOM ee deegaanka Biya-cadde, waxayna wararku sheegayaan inaye dagaalkaas ku geeriyooday laba Askari halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.
Dadka deegaanka ayaa waxaay ku warrameen in dagaalka uu aad u cuslaa,isla markaana uu socday waxka badan saacad, iyadoo Ciidamada AMISOM ay madaafiic uga qeyb qaadanayeen dagaalkaasi.
Saraakiil ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana intii uu dagaalka socday ay qasaaro xoogan ku gaarsiiyeen kooxdii soo weerartay.
Wararkii ugu dambeeyay ee saaka ka imaanaya deegaanka Biya-cadde ee Gobolka shabeelada dhexe ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u Shaqeeynayaan, waxaana gacanta ku haaya deegaanadii lagu dagaalamay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.
Dhanka kale wararka ayaa waxay sheegayaan in Dagaallada toddobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay tuulooyin hoos taga deegaanka Raage Ceelle ee isla gobolkaas Shabeellaha Dhexe ay sababay barakaca qoysas badan, oo hadda ku jira xaalad nololeed oo adag, sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta deegaankaas.
Guddoomiyaha degmada Raage Ceele Cumar Cali Nuur ayaa warbaahinta Gudaha u sheegay in qoysaskaan ay culeys ku yihiin deegaanka, islamarkaana aanay u heli karin caawimaadda ay u baahan yihiin.
Sidoo kale waxaa uu Tilmaamay in dagaalada ka dhacay deegaano hoostaga degmada Raaga-ceele ay bilowdeen kadib markii Al-Shabaab ay Gurigiisa kala baxeen Nabadoonka ka mid ah kuwa deegaanka.
Dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka shabeelada dhexe ayuu sheegay Guddoomiyaha degmada Raage Ceele Cumar Cali Nuur inay ka dhasheen qasaare kala duwan oo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah.