Wadamada Koonfurta Afrika oo ciidamo geeynaya Mozambique

0
275

Wadamada xubnaha ka ah jaaliyadda horumarinta Koonfurta qaaradda Afrika ee (SADC) ayaa ku heshiiyay in ay dalka Mozambique geeyaan ciidamo garab siinaya dowladda wadankaasi.
Saraakiishan ayaa kaalin ka qaadan doono la tacaalidda rabshado ku sii kordhaya waqooyiga Mozambique.
Hasa ahaate faahfaahin dhameystiran lagama bixin qaabka ay u howlgeli doonaan ciidamada.
Tan iyo sanadkii 2017-kii waxaa gudaha dalka Mozambique gaar ahaan gobolka hodonka ku ah shidaalka ee Delgado lagu dilay ku dhawaad 3,000 oo qof halka ilaa 800,000 oo kala bar ay carruur yihiin ay guryahooda ka barakaceen.