Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa lacag dhan 43.5 bilyan oo shilin ku wareejisay dowlad deegaanada wadanka.
Waxaa ismaamullada laga doonayaa in ay dhaqaalahan u adeegsadaan bixinta deymaha lagu leeyahay.
Deymaha waxaa ka mid ah kuwo aan la siin qandaraasleey iyo shakshiyaad adeegyo kala duwan u fidiyay dowlad deegaannada.
Wasiirka maaliyadda ee dalka Mr. Ukur Yatani ayaa bayaan ku sheegay in dowladda dhexe ay ismaamullada ku wareejin doonto lacagihii loo qoondeeyay in ay isticmaalaan bishii shanaad iyo bishan lixaad oo uu dib u dhac yimid.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii guddoomiyaha golaha barasaabyada wadanka ee CoG ahna hoggaamiyaha Embu Martin Wambora uu sheegay in hadii ismaamullada aan dhaqaale la siin ay hakad gelayaan adeegyada bulshada.