Xildhibaanada oo diiday canshuur la doonayay in la saaro cunnooyinka daruuriga ah

0
449

Mudanayaasha baarlamaanka dalka ayaa meesha ka saaray canshuur ay wasaaradda maaliyadda qorsheynaysay in lagu soo rogo qaar ka mid ah cunnooyinka aasaasiga sida burka, booshada iyo waxyaabaha la midka ah.
Guddiga baarlamaanka ee arrimaha maaliyadda oo ay guddoomiye ka tahay wakiilka haweenka ee ismaamulka Homa Bay Gladys Wanga ayaa sheegay in aynan suurtagal ahayn in canshuur laga qaado cunnooyin ay Kenyaan badan nolol ahaan ku tiirsan yihiin.
Waxay sheegeen in ay lagama maarmaan tahay in dadweynaha laga qafiifiyo culeyska dhaqaale ee uu sababay cudurka COVID19.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda maaliyadda Mr. Ukur Yattani uu baarlamaanka ka hor akhriyay miisaaniyad sanadeedka 2021-2022-ka oo qiimo ahaan dhan 3.6 tiriliyoon oo shilin.
Sidoo kale waxay xildhibaanada dhinac isaga dhigeen canshuur la filayay in la saaro gaadiidka mootada.