Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya iyo Xubno kale oo ka socday Beesha Calaamka ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyn ee Xarunta gobalka Hiiraan.
Wafdiga ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay maamulka gobalka, kan degmada iyo qeybaya kala duwan ee Bulshada.
Wafdigaan ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxmed Cumar ceymooy iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Hirshabelle.
Mas’uuliyiinta ayaa kormeer ku sameeyay mashaariic horay qeyb ka mid ah looga fuliyay halkaas, iyagoo sidokale tagay meelo kale oo ka mid ah magaalada Baladweyne una baahan in biyo xireeno laga sameeyo.
Kulan looga hadlayo horumarka mashaariicda deeganadaasi ayaa lagu wada inay masu’liyiinta yeeshaan.