Afar qof ayaa la soo badbaadiyay ka dib markii qayb ka mid ah buundada cusub ee laga dhisayay Kangemi ee wadada Waiyaki ee ismaamulka Nairobi ay soo duntay gelinkii dambe ee shalay.
Labo ka mid ah dadkii ay ku soo duntay buundada oo dhaawac halis ah soo gaaray ayaa loola cararay isbitaalka si ay u helaan daryeel caafimaad.
Dhowr qof oo kale ayaa laga cabsi qabaa inay ku hoos xanniban yihiin burburka buundada balse waxaa socda dadaallo samatabixin ah.
Lama oga tirada dadka loo malaynayo inay ku hoos jiraan buundada duntay.